DAAWO – Xildhibaan Dahir Amin Jeesow Laga Saarey Maanta Xarunta Barlamaanka Xilli...

DAAWO – Xildhibaan Dahir Amin Jeesow Laga Saarey Maanta Xarunta Barlamaanka Xilli Socotay Ansixinta Wasiiradda.

1902
0
SHARE

Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada cusub ayaa waxaa ka dhacay muran iyo qeelo ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya.

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa halkaas ka sameeyey arrin aan fiicneyn kadib markii uu diiday inuu fadhiisto intii uu socday kulankaas wuxuuna guddoomiye ku xigeynka koowaad Muudey oo shir guddoominayey ku amray inuu fadhiisto.

eesoow ayaa muran badan ka dib sheegay inuu kulanka isaga baxayo taasoo keentay inuu guddoomiye Ku xigeynka Baarlamaanka Muudey u sheego inuu isaga baxo kulanka, waxaana halkaas isaga baxay jeesow .

Xildhibaan Jeesow ayaa kamid ahaa xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeday in la ansixiyo golaha wasiirada, wuxuuna ku doodayey inaan golaha wasiirada codka kalsoonida loo qaadin.

Muudeey oo guddoomiyaha baarlamaanka ahaa kulankaan ayaa muujiyey kalsooni iyo ad adeeg , waxayna xildhibaanada qaar ka doonayeen in ansixinta golaha wasiirada dib loo dhigo, kaliyana codka ansixinta loo qaado qorshaha dowladda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY