Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarka Maqaayadaha Posh iyo Pizza House .

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarka Maqaayadaha Posh iyo Pizza House .

134
0
SHARE

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Maqaayadda Pizza House oo la sheegay in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha ugu jiraan.

Maqaayadan oo ah maqaaxi ay dhalinyarada u badan yihiin, isla markaana ah meel dadka ay sawirada ku galaan ayaa ka soo horjeeda maqaayada Posh Treats oo iyana maqaayad lagu caweeyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay la dagaalamayaan dabley hubeysan oo gudaha maqaayada ku jira, waxaana goobta ay tahay mid mugdi ah oo nalalka dhan ay dameen, markii uu qaraxa dhacay.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa labada maqaayad, waxaana dad goob joogayaal ay sheegeen inuu u yara badnaa dhanka Pizza House.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku soo qoray inay beegsadeen maqaayada Posh Treats, hase ahaatee waxaa hada soo baxaya warar sheegaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka.

Ciidamada ammaanka ayaa maqaayada Posh Treats ka soo bad baadiyay dad isugu jira ajaaniib iyo soomaali, waxaana ajaaniibta ka mid ahaa hablo u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo maqaayada Posh ka shaqeynayay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa ku sugan agagaarka halka uu howl galka ka socdo, iyadoo ciidamada ammaanka ay hareereeyeen dhamaan waddooyinka u dhow dhow maqaayada.

Xaalada ayaa ah mid cakiran, iyadoo xilligan oo saacada muqdisho tahay 11:27 habeenimo adag in la helo warar rasmi ah oo ku aadan howl galada socda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY