Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Sawirada Weerarkii Af Urur Ee Deegaanada Puntland .

Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Sawirada Weerarkii Af Urur Ee Deegaanada Puntland .

185
0
SHARE

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii ay 8-dii bishan ku qaadeen saldhig Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari, kaasoo qiyaastii illaa 80KM dhanka koofur kaga beegan magaalada Boosaaso.

Garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro laga jaray muuqaal ay ka duubeen weerarkaas, waxaana la arkayay goobta la weeraray oo u dhoweyd buuraha Galgala.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 61 askari ka tirsan Ciidamada Puntland, ayna ku furteen saanado milateri iyo sahay.

Sawirada ayaa waxaa ka muuqday gawaari kala duwan oo ay leeyihiin Ciidamada Puntland oo isugu jiray kuwa dagalka iyo kuwa raaxada oo qaarkood gubanaya.

Puntland ayaa beenisay sheegashada Al-Shabaab ee tirada askar ee looga dilay weerarkaas, waxaana ay ku eedeysay inay dileen haween iyo carruur.

Weerarka Saldhigga Af urur ayaa ahaa kii ugu xoogganaa ee abid lagu qaado Ciidamada Puntland, isla markaana khasaare ballaaran uu ka soo gaaro.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY