Gabre oo loo magacaabay xil cusub .

Gabre oo loo magacaabay xil cusub .

146
0
SHARE

— Col. Gabre Egziaber ayaa xil cusub looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii laga buriyay xilkii uu ka hayay Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana la baabi’iyay qandaraaskiisa.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.

Qoraalkan oo ay heshay kulantimes.com, isla markaana xaqiijin ku sameysay, ayaa waxaa uu Col. Garbe xilka La Taliyenimada ay qaadan doontaa muddo 12 bilood, oo ka bilaabaneysa, 12 June 2017, kuna eg 11 June 2018.

Sidoo kale waxaa warqada ku cad mushaarka uu qaadanayo oo noqon doonta $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar)

Col. Gabre ayaa xilligii uu ka tirsanaa Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaa uu mushaarkiisa ahaa lacag dhan Shan kun oo dollar, balse haatan mushaarkiisa uu dalacay.

Soomaaliya oo xubin ka ah urur goboleedka IGAD ayay hubanti tahay in wax laga ogeysiiyo magacaabista marka qof xil looga magacaabayo Xafiiska Xoghayaha Guud ee IGAD oo fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY