Zakariye Ismail ayaa lagu wadaa in loo magacaabo xil kamid ah Sirdoonka...

Zakariye Ismail ayaa lagu wadaa in loo magacaabo xil kamid ah Sirdoonka Soomaaliya.

613
0
SHARE

Zakariye Ismail oo ahaa madaxii sirdoonka ururka Al-Shabaab balse hada kujiro gacanta dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lo magacaabo xil kamid ah sirdoonka Soomaaliya oo aan wali la shaacin.

Sidda Shakhsiyaad aad ugu madaxweyne Farmaajo ay noo xaqiijiyeen Zakariye Ismail ayaa dalbaday in uu kamid noqdo dowladda cusub isla markaasna xil looga dhiibo dhanka sirdoonka oo uu muddo kasoo shaqeenaayay taas oo madaxweyne Farmaajo ka aqbalay.

Lama ogo xilka uu Madaxweyne Farmaajo u dhiibi doono Zakariye Ismail oo horey uga soo goystay Al-Shabaab hadana kujiro gacanta dowladda , Zakariye Ismail ayaana ahaa nin aad ugu dhowaa Axmed Godane oo ahaa Madaxii Ururka Al-Shabaab oo sanadkii 2014 lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo ay geysteen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska.

Sidoo kale waxaa gacanta dowladda hadda kujiro oo xabsi guri lagu haayay Xasan Daahir Aweys oo asna kamid ahaa madaxdii ururka Al-Shabaab balse aysan jirin wax maxkamadd ah oo wali lagu xukuntay .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY