Wasiirka Amniga oo ka hadlay soo qabashadii sarkaal kamid ah Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga oo ka hadlay soo qabashadii sarkaal kamid ah Al-Shabaab.

173
0
SHARE

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).

“Waxaa maanta qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dhanka kale Wasiir Ducaale ayaa ka hadlay sababaha keenay in la xiro qaar kamid ah jidadka xaafadaha magaaladda Muqdisho.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY