DF oo soo dhaweysay magacaabista dhaxal sugaha Sacuudiga.

DF oo soo dhaweysay magacaabista dhaxal sugaha Sacuudiga.

210
0
SHARE

Qoraal maanta kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hambalyo u dirayo Maxamed bin Salmaan oo shalay loo magacaabay inuu noqdo Dhaxal-sugaha kowaad ee Boqortooyada Sacuudiga.

Maxamed bin Salman oo uu dhalay boqorka hada xilka haya ee Salmaan ayaa sidoo kale loo magacaabay xilka Raysalwasaare kuxigeenka isagoona siiheyn doona xilkii uu horey u hayey ee Wasiirka Gaanshaadhiga Sacuudiga.

Dowlada Soomaaliya ayaa hambalyadan u dirtay Sacuudiga xili ay weli taagan tahay xiisada dalalka Khaliijka, isla markaana xukuumada Soomaaliya ay qaadatay go’aan ah inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo dalka Qatar, labadan dowladooda ayaa kamid ah kuwa Carabta ee taageerada siiya Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY