Xildhibaano Muqdisho Ka wado ololle ay ku xoojinayaan Mooshin ka dhan ah...

Xildhibaano Muqdisho Ka wado ololle ay ku xoojinayaan Mooshin ka dhan ah Xasan Kheyre.

173
0
SHARE

Xildhibaannada Damuljadiid ee golaha shacabka ah, islamarkaana tiradooda gaareyso 90-ka ayaa ka faa’ideysanaya beelaha ka gadooday xukuumadda Kheyre ee wada abaabulka mooshinka.

Tiro ahaan xildhibaannadan aad ayeey u badan yihiin, waxaana ay heli kareaan cod ku filan oo kheyre meesha looga saaro, waxaana maalmaha dambe ay wadeen kulamo aad u xasaasi ah.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Warqaad.com u sheegay in xildhibaannada Damuljadiid ay doonayaan markaan in meesha laga saaro Kheyre, abaabulka mooshinkana ay kaalinta Koowaad ka galaan.

Habeenkii xalay ahaa 40 xildhibaan oo Damuljadiid ah ayaaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay mid kamid ah Hoteellada ku yaalla Muqdisho, si ay u naafeeyaan dowladda Farmaajo.

Maalmahan dambe waxaa jiray guux badan oo ku aadan xukuumadda Kheyre iyo mooshinno socda kana dhan ah Ra’iisul wasaaraha.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY