DEG DEG : Dilkii Taliyaha Nabad Suigada Ee Degmada Kaxda Lugta La...

DEG DEG : Dilkii Taliyaha Nabad Suigada Ee Degmada Kaxda Lugta La Galay Abdirahma Dheere

2439
0
SHARE

Alle Ha unaxariisto Maxamuud Macalin Xassan Cabdiraxmaan(Qooley) Taliyaha Nabad Sugida Degmada Kaxda iyo Cabdulaahi Xassan Cabdiraxman ayaa saaka   Kooxo Hubeysan waxay Ku weerareen Xoosh iyaddo dhaawac soo gaarey taliyaha markii dambe u dhintay.

sidda warar hordhac ah ay sheegayaan dilka oo ay geeysteen kooxo hubaysan ayaa la sheegayaa in uu ka dambeeyay wasiiru Dowlaha wasaarada gadiidka iyo Dekedaha Abdirahman Kulmiye Xersi ( ABDIRAHMAN Dheere ) . Taliyaha ayaa la sheegayay in xurguf hoose kala dhaxeysay ABDIRAHMAN dheere iyaddo dagaal dhan ololle siyaasadeed ah ay isku fahmi waayeen doorashadii xildhibaanada EE dalka ka dhacday horaantii sanadkan.

odey Dhaqameyd ku sugan degmada Kaxda oo ay qaraabo hoose yihiin Abdirahman dheere ayaa inoo xaqiijiyay in kulan labaddan masuul la rabay inay ku heshiiyan uu habeen hore kusoo dhamaaday fashil Kadib markii is fahmi waayeen labadda masuul .

Taliye Qooleey ayaa ahaa nin aad u adag isagoo ka dhigay degmada Kaxda mise amni ah .

kiiska taliyaha ayaa lagu wadaa in ay soo galaan madaxda Sare EE dalka iyaddo qoyska uu kasoo jeedo taliye Qooleey ay sheegeyn in dilka Taliyaha uu ka dambeeyo ABDIRAHMAN dheere , dhanka kale wax war ah lagama haayo Wasiir ABDIRAHMAN Dheere ku aadan eedeymahan ku aadan dilka Taliyaha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY