DF isku dayayso inay Baajiso shirka Kismaayo & Wararkii ugu dambeeyay

DF isku dayayso inay Baajiso shirka Kismaayo & Wararkii ugu dambeeyay

147
0
SHARE

Xarunta Maamulka Jubaland ee kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in shir uu uga furmo Madaxda Maamul Goboleedyada oo hadda dhamaantood kuwada sugan Kismaayo.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug , Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa kuwada sugan Kismaayo , shir hordhac ah oo caawa ka dhacay hoolka shirka ayaa la isku arkay iyadda dhamaan madaxda ay si gooni gooni ah u wada hadleyn.

sawiro laga soo qaaday hoolka shirka ayaa cadeenaya in wa kasta diyaar yihiin berina lagu wado in shirka si rasmi ah u furmo, balse waxaa Shirka tagin wax masuul ah ka socdo Dowladda dhexe ugu sareeyaan madaxda Sare ee dalka .

sidoo kale madaxda mataleyso beesha Caalamka ku sugan Muqdisho ayaa tagin Shirka iyaddoo warar hoose Caawa soo baxayaan ay sheegayaan in madaxda DF ah wado dadaalo ay ku baajinayso Shirka si uu u qabsoomin , balse shirkan ayaa waxaa hoosta kasoo riixaya Dowladda Imaaraadka oo sidda la sheegay maal galinayso qarashka ku baxaya shirka iyo safarada madaxda imaanayso.

lama ogo mesha uu ku dambeyn doono olollaha ay wado Villa Somalia ay in ay rabto in Shirkan uu san qabsoomin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY