WARARKA MAANTA

WARARKA MAANTA

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun). “Waxaa maanta qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga. Dhanka kale Wasiir Ducaale ayaa ka hadlay sababaha keenay in la xiro qaar kamid ah jidadka xaafadaha magaaladda Muqdisho.

— Col. Gabre Egziaber ayaa xil cusub looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii laga buriyay xilkii uu ka hayay Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana la baabi’iyay qandaraaskiisa. Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD. Qoraalkan oo ay heshay kulantimes.com, isla markaana xaqiijin ku sameysay, ayaa waxaa uu Col. Garbe xilka La Taliyenimada ay qaadan doontaa muddo 12 bilood, oo ka bilaabaneysa, 12 June 2017, kuna eg 11 June 2018. Sidoo kale waxaa warqada ku cad mushaarka uu qaadanayo oo noqon doonta $7015.63 (Todobo kun iyo shan iyo toban dhibic lixdan iyo saddex oo dollar) Col. Gabre ayaa xilligii uu ka tirsanaa Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaa uu mushaarkiisa ahaa lacag dhan Shan kun...

Zakariye Ismail oo ahaa madaxii sirdoonka ururka Al-Shabaab balse hada kujiro gacanta dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lo magacaabo xil kamid ah sirdoonka Soomaaliya oo aan wali la shaacin. Sidda Shakhsiyaad aad ugu madaxweyne Farmaajo ay noo xaqiijiyeen Zakariye Ismail ayaa dalbaday in uu kamid noqdo dowladda cusub isla markaasna xil looga dhiibo dhanka sirdoonka oo uu muddo kasoo shaqeenaayay taas oo madaxweyne Farmaajo ka aqbalay. Lama ogo xilka uu Madaxweyne Farmaajo u dhiibi doono Zakariye Ismail oo horey uga soo goystay Al-Shabaab hadana kujiro gacanta dowladda , Zakariye Ismail ayaana ahaa nin aad ugu dhowaa Axmed Godane oo ahaa Madaxii Ururka Al-Shabaab oo sanadkii 2014 lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo ay geysteen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska. Sidoo kale waxaa gacanta dowladda hadda kujiro oo xabsi guri lagu haayay Xasan Daahir Aweys oo asna kamid ahaa madaxdii ururka Al-Shabaab balse aysan jirin wax maxkamadd ah oo wali...

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirada weerarkii ay 8-dii bishan ku qaadeen saldhig Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee Gobolka Bari, kaasoo qiyaastii illaa 80KM dhanka koofur kaga beegan magaalada Boosaaso. Garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro laga jaray muuqaal ay ka duubeen weerarkaas, waxaana la arkayay goobta la weeraray oo u dhoweyd buuraha Galgala. Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 61 askari ka tirsan Ciidamada Puntland, ayna ku furteen saanado milateri iyo sahay. Sawirada ayaa waxaa ka muuqday gawaari kala duwan oo ay leeyihiin Ciidamada Puntland oo isugu jiray kuwa dagalka iyo kuwa raaxada oo qaarkood gubanaya. Puntland ayaa beenisay sheegashada Al-Shabaab ee tirada askar ee looga dilay weerarkaas, waxaana ay ku eedeysay inay dileen haween iyo carruur. Weerarka Saldhigga Af urur ayaa ahaa kii ugu xoogganaa ee abid lagu qaado Ciidamada Puntland, isla markaana khasaare ballaaran uu ka soo gaaro.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Maqaayadda Pizza House oo la sheegay in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha ugu jiraan. Maqaayadan oo ah maqaaxi ay dhalinyarada u badan yihiin, isla markaana ah meel dadka ay sawirada ku galaan ayaa ka soo horjeeda maqaayada Posh Treats oo iyana maqaayad lagu caweeyo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay la dagaalamayaan dabley hubeysan oo gudaha maqaayada ku jira, waxaana goobta ay tahay mid mugdi ah oo nalalka dhan ay dameen, markii uu qaraxa dhacay. Qaraxa hore ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa labada maqaayad, waxaana dad goob joogayaal ay sheegeen inuu u yara badnaa dhanka Pizza House. Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku soo qoray inay beegsadeen maqaayada Posh Treats, hase ahaatee waxaa hada soo baxaya warar sheegaya in dableydii weerartay ay qaldeen bartilmaameedka. Ciidamada ammaanka ayaa maqaayada Posh Treats ka soo bad baadiyay dad isugu jira ajaaniib iyo soomaali, waxaana ajaaniibta...

— Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeysay dhageysiga dacwada loo heystay labo askari oo ilaalo u ahaa Hanti dhowrkii Guud, kuwaasoo loo heystay dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib U dhiska Cabaas Siraaji. Labada askari ee lagu eedeeyay dilka Wasiirka ayaa lagu kala magacaabaa Dable Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid iyo Saddex Alifle Cusmaan Salaad Barre. Qarreeno u doodayay eedeysanayaashan ayaa Maxkamadda ku sugnaa, kuwaasoo difaacayay labada askari, waxaana Maxkamadda ku sugnaa Garsoorayaasha, Xafiisk Xeer Ilaalinta iyo ehelada labada dhinac. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inay go’aan ka gaari doonaan dacwada labada eedeysane, isla markaana ay soo gabagabeysay dhageysigii dacwada. Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa bishii May ee sanadkan u geeriyooday rasaas lagu furay gaarigiisa oo marayay agagaarka Madaxtooyada.

Halkan Toos uga daawo tirinka codadka ee doorashada UK.

waxaa naga xigaya saacado kaliya in albaabada loo furo goobaha cod bixinta ee doorashada guud ee dalkan Britain , ololle doorasho oo socotay muddo usbuucyo ah kadib waxaa dhamaan caawa lasoo gaba gabeeyay dhamaan ololihii socday. Goobaha cod bixinta ayaa furmaya saacada marka ay tahay 9:00 subaxnimo ee wakhtiga UK iyaddo lagu wado in laga codeeyo in ka badan 40,000 oo xarumo kuwaas laga codeyn doono , waxaana lagu wadaa in cod bixinta ay soo gaba gabeeyo 10:00 Fiidnimo ee wakhiga UK. Sanadkan waxaa is diiwan galiyay 46.9 Million oo qof kuwaas lagu wado inay codeeyaan , waxaana lagu wadaa in berri la doorto 650 Xildhibaan oo laga soo dooran doono gobollada iyo degmooyinka dalka. loollanka ugu adag ayaa waxaa u dhex mari doona labadda xisbi ee Labour Iyo Conservative kuwaas oo waday usbuucyadii lasoo dhaafey olollihii ugu adkaa , labadda hogaamiye ee xisbiyadda ayaa warbaahinta isku mariyay hadalo adag. Xisbiga conservative oo...

Wadamada Khaliijka ayaa waxaa ka dhex dilaacay jahwareer siyaasadeed kaas oo salka ku haayo arimo ay ku sheegeyn taageeris argagixiso iyo faragelin siyaasadeed . Wadamada Sacuudiga , Bahrain , Imaaraadka , Masar ayaa xiriirka u jarey dalka Qatar isla markaasna kusoo rogay cuna qabateyn dhan kasta ah taas oo u eeg mid go'doomin ah. wadamadan ayaana Qatar ku eedeeyay inay taageerto kooxaha argagixisada ah iyo faragellin ay ku hayso arimaha gudaha ee wadamadooda. Dalka Sacuudiga waxaa ka dhacay shir loogu magac darey Wadamada Islaamka Iyo Mareynkanka , Shirkan oo uu kasoo qeyb galay Madaxweynaha Mareynkanka D Trump iyo Madaxda Wadamada Islaamka ayaa looga hadlay argagixisada iyo sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha ka dagaalama Bariga Dhexe . Shir ay wada qaateyn Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan , Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi Iyo Madaxweynaha Mareynkanka D Trump ayaa si buuxda loo ogeyn waxa ay ka wada hadleyn balse Warar Hoose ayaa sheegaya in saddexdan...

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor yimid Qorshe ay wadatay madaxtooyada Soomaaliya. Qorshahan ayaa ku saabsan heshiisyo dhowr ah oo Soomaaliya ay la galeyso Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo wasiiro fara badan loogu diri lahaa Sacuudiga. Madaxtooyada ayaa dooneysay inay ilaa 10 wasiir ay tagaan Sacuudiga si ay dhiggooda Sacuudiga ula saxiixdaan heshiisyo mashaariic kala duwan ah oo Sacuudigu dhaqaalahooda bixinayo, kuwaasoo qeyb ka ahaa codsigii dowladda Soomaaliya hor dhigtay Sacuudiga. Ra’iisal wasaaraha ayaa ku adkeystay in kaliya saddex wasiir loo diro Sacuudiga, taasoo keentay dood keentay in markii dambe ilaa shan wasiir loo qorsheeyo safarkaasi, waxaana lagu wadaa in wasiirada ay berrito u dhoofaan Sacuudiga. Soomaaliya ayaa dhexda uga jirta loolanka ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo Sacuudiga, waxaana madaxweyne Farmaajo u janjeera Sacuudiga, halka Kheyre la sheegay inuu door bidayo Qadar.  
Open

Powered by themekiller.com anime4online.com animextoon.com apk4phone.com tengag.com moviekillers.com